6249 Views

Turkiga oo isugu yeeray dunida Muslimka si loo caawiyo Muslimiinta Rohingya

Turkiga oo isugu yeeray dunida Muslimka si loo caawiyo Muslimiinta Rohingya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 —- Dowladda Turkiga ayaa baallan qaadday in ay bixineyso Qarashka Dadka Rohingya  ay ku tagayaan Dalka Bangaladesh,waxaana sidoo kale Dowladda Turkiga waxaa ay ka codsatay Bangaladesh in ay sohdinta u furto dadka Muslimiinta ah ee ka soo cararaya dhibaatada ay kala kulmayaan Dalka Burma.

Wasiirka arrimha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu  oo ka hadlayay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkan Dowladda Turkiga qabaneyso Shir looga hadlayo arrimaha dadka Rohingya.

Waxaa uu xusay in Sanadkan gudahiisa ay Turkiga isugu yeereyso Waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC,kaas oo lagu gorfeynayo xaaladda nolosha Muslimiinta Gobolka Rakhine ee Dalka Myanmar halkaas oo ay Ciidamada dowladda Burma iyo malleeshiyo ay taageerto xasuuq joogta ah ku hayaan Muslimiinta laga tirada badanyahay.

Mevlu,waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiha ay hadda diyaar la tahay in ay bixiso Qarashka Dadka Muslimiinta ah uga baxayaan Dalka Burma si ay u tagaan degaan Nabdoon waxaana ay Dowladda Bangaladesh ka codsadeen in ay sohdimaha furaan dadkaasna geeyaan meel amaan ah.

Dowladda Burma ayaa xaalad deg deg ah gelisay Gobolka kale ee ay ku xoogganyihiin Muslimiinta ee Maungdaw,Bishoo October ee Sanadkii hore kaddib markii isku dhacyada Muslimiinta ku badan Gobolkaas iyo Budhistaha u badan dalka Burma isku dhaceen.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale Taleefanka kula hadlay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Koofi Anan oo hadda ah la taliyaha arrimaha xuquuqul insaanka ee Gutters,waxaana uu ka codsaday in arrinta Muslimiinta Myanmar il gaar ah lagu eego.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment