3714 Views

India iyo Soomaalida Caafimaadka u aada. Q. 2aad.

India iyo Soomaalida Caafimaadka u aada.  Q. 2aad.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Qeybtaan labaad uguna dambaysa warbixintaan, waxa aan ku eegayaa sida aad casuumaadda isbitaalka ku heli kartid, kaalinta ardayda Soomaaliyeed ee India joogta, Dallaaliin kale oo Hindiya joogta, raashinka laga helo meesha iyo ugu dambayn dhowr talo oo aan isleeyahay waa u muhiim bukaanka aadaya Hindia.

Casuumaadda

In bukaanku uu helo casuumaad Isbitaal waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag safarkaan, Maxaa yeelay bukaanku ma garanayo isbitaal, waxaa laga yaabaa in uusan baaritaan iyo xiriiro badan uusan la sammayn karin isbitaallo ama waqtiguba ku yar yahay.

Inta badan Soomaalidu waxa ay casuumaadda isbitaalka u maraan ardayda waxbarata Hindiya, qaar aan badnayna waxaa laga yaabaa in qaraabo dad la ah ay joogaan India.

Casuumadaas mararka qaar waxaa lagu daraa shuruudo ah in bukaanku uu tagi karo kaliya isbitaalka casuumay, taas oo lagu qoro fiisaha la siinayo, Arrintani waxa ay keeni kartaa caqabad maxaa yeelay bukaanka waxaa u fiican in uu dhowr isbitaal iyo dhowr magaaloba uu qiimayn u tago, isaga oo go’aansan kara in uu isku daaweeyo isbitaal aan ahayn kii casuumay.

gg

Dhibaatada kale ee ay keeni karo shuruuddaasi waa in Fiisaha haddii uu ka dhaco bukaanka ay dhib badnaanayso in loo cusboonayso ilaa in uu isbitaalka fiisahiisa ku qoran uu u dalbo. Haddii aad mid kale iska dawaysayna waa dhib badnaan doontaa in uu ku caawiyo.
Sidoo kale, waxaa jira hay’ado internet ka laga helo oo kaa caawinaya arrimo badan sida qiimaynta qarashaka kugu baxaya, isbitaallada iyo dhakhaatiirka ku daawaynaysa, kuu soo diraya warqadda casuumaadda, garoonka kugu soo dhaweynaya, hoteel kuu qabanaya midka aad dooratid, inta aad isbitaallada raadinaysidna kula joogaya, waliba aan lacag kaa qaadanaynin sida ay sheegeen. Waase haddaad Ingiriis kula xiriiri kartid. Kuwaas ayaa anigaba i caawiyay.

Tarjummaadda iyo kaalinta ardayda.

Dhaqanka ama dabeecadda Soomaalida; waxaa ka mid ah in ay is-raadsadaan marka ay qurbaha tagaan. Dhaqankas ka sokoow, dad badan waxa ay sidaas u sammeeyaan si ay u helaan tarjumaan qof u noqda oo uu afkiisa garanyo, maaddaama ayna badi bukaannadu aad ugu hadlin Ingiriis ama Carabi.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata India ayaa kaalintaas u buuxisay bukaannada- waana sababta Soomaalida inteeda badan ay caafimaadka ugu aadaan gobolka Hyderabad oo ah gobol ay Muslimiinta iyo Ardayda Soomaaliyeedba ku badan yihiin, Waxa ay caawiyaan bukaannada marka ay warqadda casuummadda rabaan, soo dhaweyn iyo meel dajin, sidoo kale waxa ay geeyaan isbitaallada waana u tarjumaan.

Dallaaliin Soomaali ah.

Bukaannada Soomaalida ah ee booqanaya Hindiya oo sii badanaya iyo baahida ay qabaan oo joogto ah, waxa ay dhalisay in Soomaalida qaar ay fursad ganacsi ka dhex sammeeyaan.

Sida ay ii sheegeen Soomaali tagtay India iyo dad xog-ogaal ah, Waxaa jira Dallaaliin Soomaali ah oo heshiis kula jira dallaaliin kale oo Soomaaliya joogta iyo Isbitaallada Hindiya ku yaalla qaarkood, Qoladani waxa ay marka hore bukaanka kula heshiiyaan lacag ay adeegga tarjumaadda iyo isbitaallo raadinta ugu qabanayaan, Waxaa intaas u dheer in Isbitaalladana ay kula jiraan heshiis ah in bukaanka ay keenaan lacagta lagu daweeyo ay qeyb (percentage) ku leeyihiin sida (20%).

Dhibaatooyinka laga sheegay dadkaan waxaa ka mid ah, in maaddaama uusan bukaanku luqadda fahmaynin oo ay u dhaxeeyaan isaga iyo dakhtarka ay ku dadaalayaan in ay u dooraan bukaanka meesha lacag badan ay uga baxayso si ay qeybtoodii uga helaan.

Tusaale ahaan, waxaa lagaa yaabaa in dakhtarku uu bukaan kula taliyo in uu daawo tijaabo ah qaato muddo, haddii uu ku caafimaadi waayana uu xalku qalliin yahay, qoladani waxa ay ku talinayaan qalliinka in lagu billaabo ayaga oo raacinaya marmarsiyooyin badan oo ay ku jirto in bukaanku uusan sii joogi karin muddo. Arrintaan in uusan bukaanku la ogeyn ayaa laga yaabaa, maaddaama uusan luqadda fahmayna loo gaaray go’aankaas.

Dhakhaatiirta meelaha gaarka ah furtay, waa ay yaqaanaan dhaqankaan. Anigu waxa aan booqday Dhaqtar ay rug caafimaad  u furan  tahay, waxa uu ii sheegay in uu iga qaadayo lacag ka yar intii uu iga qaadi lahaa haddii uu qof I keeni lahaa, waliba farqigu waxa uu ahaa mid badan marka loo fiiriyo wadarta guud.

Qof aan qaraabo nahay oo Hyderbad caafimaad u aaday, waxa loo sheegay in ay waajib tahay in uu baaritaan guud oo caafimaad maro ka hor inta uusan la kulmin dhakhtarkii uu u socday oo qeyb gaar ah ku taqasusay. Baaritaanka guud ee caafimaad ma lacag yara, waxaase ka sii daran in qofka ay u badan tahay in laga helo cudurro kale oo uusan isku ogayn, kuwaas oo ay qasab noqon karto in laga daaweeyo inta aan laga daawayn cudurkii uu u tagay Hindiya.

Inkasta oo in aad hubisid caafimaadkaaga ay wax fiican tahay, haddana in qasab bukaanka looga dhigo baaritaan guud, waa hab kale oo lacagta uu kharash gareeyo bukaanku lagu badinayo. magaalada caasimadda ah ee New Delhi oo aan tagay kama jirto arrintaani.

 Raashinka

Dalka Hindiya waxa aad ugu badan cuntada waxa kulul lagu kariyay ama basbaaska leh, waa ay yar tahay in aad maqaayad ama hotel aad ka heshid cunto aan basbaas lahayn. Dadka carruurta wata ama aan jecleyn basbaaska aad ayay u dhibtaa arrintaasi. Waxaa habboon in aad raadsatid guri oo aad cuntada karsatid. Waa qaabka ugu fiican ee aad raashin aad taqaanid dhadhankiisa oo aan basbaasna lahayn ku heli kartid. Sidoo kale meelaha qaar maqaayado Soomaali ama Afghanistan leeyihiin ayaa laga helaa oo raashinka loo doonto.

Talo soo jeedin

  1. Isku day in aad marka hore diyaarsatid dhammaan dokomintiyada muhiimka u ah safarkaga iyo kuwa lagaa rabo si aad fiiso u dalbatid ama u dhooftid.
  2. Inta aadna dallaal raadin, isku day in aad ogaatid in aad shaqada qabsan kartid adigu iyo in kale. Tusaale, Safaaradda Hindiya ee Kenya waxaa fiiso ka codsan kara bukaanka ama qofka qaraabadiisa ah ee raacaya, waxa ay ila tahay in Kenya aad ka heli kartid qof kuu qaada baasaboorka oo kiisa ku dara oo idiin codsada, badanaa baasaboorka Soomaaliga ah 3; maalin ilaa toddobaad ayay Hindiya ku siisaa fiisaha
  3.  Isku day in bukaanka ama qofka wehlinaya uu yaqaano luqadda Ingiriiska ama Carabiga, markaas waxa aad ka maarmaysaan tarjumaan, maxaa yeelay Ingiriiska waa looga hadlaa dalkaas, Carabigana waxaa u jooga tarjumaanno ka shaqeeya isbitaalka oo ku hadla.
  4. Warqadda casuumaadda waxa aad ku heli kartaa dhowr qaab, in aad arday la xiriirtid oo ay kuu soo diraan, adiga oo u sheegaya in aan shuruud hal isbitaal ah lagugu xirin.
  5. In aad adigu toos u la xiriirtid Isbitaal iyo ugu dambeyn in aad la xiriirtid hay’ado ka shaqeeya arrimahaan oo laga helo internetka.
  6. Isku day in aad qiimaynta ama qiyaasta kharashka lagugu dawaynayo aad heshid ka hor inta aadan u duulin Hindiya; si aad ugu sii talo gashid.
  7. Sidoo kale iskaa u baar isbitaalka ugu fiican ee bixiya adeegga caafimaad ee aad u baahan tahay iyo si guud 10 ka isbitaal ee waddanka dhan ugu fiican. Arrintaani waxa ay kuu sahlaysaa in aan lagugu hoggaamin isbitaal gaar ah.

.

WQ: Yuusuf Sheekh Ciise

.

Xafiiska Wararka Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment