2805 Views

K/Afrika oo beenisay in dalkeeda lagu bartilmaameedsado Soomaalida

K/Afrika oo beenisay in dalkeeda lagu bartilmaameedsado Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Dowladda Koofur Afrika ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday eedaha la xiriira dilalka joogtada ah ee Dalka Koofur Afrika loogu geysto dadka soo jeeda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada sidoo kalena ah guddoomiyaha Guddi Goboleedka soo galootiga Jeff Radebe,ayaa wararka la xiriira dilalka Soomaalida ku tilmaamay mid laga badbadiyay.

Waxaa uu ka jawaabayay Dacwad ay gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika oo ku saabsaneyd in maalin kasta Qof Soomaali ah lagu dilo gudaha Dalka Koofur Afrika.

Dadka lagu dilo koofur Afrika ayuu qiray in ay u badanyihiin Ajaanibta oo aan lakala soocin waxaase uu intaas raaciyay in dilalkii ugu badnaa ee dhacay Sanadkan 2017ka ee lagu dilay Soomaalida uu ka dhacay qeyb ka mid ah magaalada Cape town oo uu sheegay in ay tahay meelo aan amaan ahayn.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Koofur Afrika ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha sharciga ee Koofur Afrika si wax looga qabto dambiyada,waxaana uu ku dhaliilay in dhibaatada ay la kulmaan Soomaalida aysan dowladda gaarsiin ee ay iyaga isku koobaan oo kaliya.

Waxaa kale oo uu Mr Jeff Radebe intaas ku daray in dowladda Koofur Afrika ay si xoog leh uha shaqeyneysaa in aysan dhicin isku dhacyo dhexmara Muwaaddiniinta iyo dadka Ajaanibta ah si uusan dalka u gelin qalalaase.

Laakiin Dalka Koofur Afrika oo ay u shaqo tageen Kumamaan Soomaali ah ayaa waxaa ay si joogta ah ula kulmaan dil,dhac iyo dhaawac loo geysto,waxaana meelaha qaar u dheer in Gudaha goobahooda Gnaacsiga lagu dhex gubo.

Hay’adaha Amniga ee Koofur Afrika ayaan si rasmi ah uga jawaabin dhibaatada joogtada ah ee Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ku heysata dalkaas,waxaaba mararka qaar la wariyaa in dhacdooyinka qaar ay Booliska ku lug leeyihiin iyaga oo iska dhigaya in ay Burcadda la dagaallayaana la arkaa iyaga oo qaadanaya Hantida Dukaamada Soomaalida taalla.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment