3072 Views

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay wadada loo marayo shaqaaleysiinta 1000-kii Dhalinyaro ee Ra’iisal Wasaaraha Amray.

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay wadada loo marayo shaqaaleysiinta 1000-kii Dhalinyaro ee Ra’iisal Wasaaraha Amray.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaciyay wadada loo marayo qaadashada 1,000-kii Dhalinyaro ee uu dhawaan amray in la shaqaaleysiiyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in Dhalinyarada loo qeybiyay degmooyinka Islamarkaana degmo walba laga shaqaaleysiin doono 58 qof oo isugu jira rag iyo dumar dhalinyaro ah iyo sidoo kale dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyarada loo qaadan doono Saddex qeybood oo kale ah Nadaafadda, Abuuridda Dhirta bilicda Muqdisho iyo Wacyi gilinta waxaana qof walba mushaar u qaadan doonaa lacag dhan $150 bishiiba.

Lacagta mushaarka ah ayaa waxaa bixin doona Bank Aduunka “World Bank” waxa uuna Mashruucaan socon doonaa mudo 6 bilood ah sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta ka tirsan Xukumadda Soomaaliya  iyo Maamulka gobalka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa isku raacay in aan dhalinyaradaasi lagu qaadanin Nidaamka Soomaalida wax ku qeybsato ee 4.5 waxaana lagu kala saari doono Aqoontooda iyadoo qof walba ay mari doonto nidaam loo qorsheeyay.

Mushruucaan oo socon doono Mudo (6) lix bilood ah ayaa markii uu dhamaado kadib waxaa bilaaban doono wijiga labaad ee Mashruuc kale oo kan la xariira.

Aqoonyahaano iyo siyaasiin ayaa ku taliyay in Mashruucaan Si fiican o daganaan leh looga faa’ideysto waxayna sheegeen in ay tahay tijaabo quseyso laba dhinac oo kala ah dowladda Soomaaliya laga fiirin doono sida ay u maareyso iyo dhalinayarada loo qaato shaqadaan oo iyagana laga fiirin doono sida ay ugu faa’ideystaan waxaana hadii si khaldan loo isticmaalo la sheegay in ay suurta gal noqon karto in lagu waayo Mashruucyo kale oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment