2331 Views

Shirkii xal u raadinta dagaal beeleedka Gaalkacyo oo galay maalintii labaad.

Shirkii xal u raadinta dagaal beeleedka Gaalkacyo oo galay maalintii labaad.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — C/Xakiin Xaaji Cameey iyo Maxamed Xaashi Carabey oo ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale yeeshay kulan kale oo daba jooga kii shalay ee Xalka looga raadinayay dhibaatooyinka ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Kulanka maanta ka socda Gaalkacyo ayaa Madaxda Galmudug iyo Puntland ku wehliya oo ku biiray Odayaasha dhaqanka iyo Culimada diinta oo ay ka soo jeedaan Beelo muddo badan ku dagaalamayay Gaalkacyo kuwaas oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah amaanka Guud ahaan Gaalkacyo iyo sidii Xal loogu heli lahaa dilalka Qaraxyada iyo Dagaal beeleedyada ragaadiyay Gaalkacyo.

Markii ay kulamadaasi dhamaadaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Qodobo labada dhinac ay isku afgarteen.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment