2802 Views

Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo laga siidaayay xabsi ku yaalla Itoobiya

Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo laga siidaayay xabsi ku yaalla Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya laga siidaayay Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo Mudo ku xirnaa Wadanka Itoobiya.

Illo Wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa KNN u Xaqiijiyay in Boqorka Bartamaha laga siidaayay Xabsiga uu ku jiray Ee Wadanka Itoobiya islamarkaana Todobaadka soo socda la keeni doono Magaalada Muqdisho asaga oo ay weheliyaan Tiro Maxaabiis Soomaaliyeed ah,balse aan la sheegin Tiradooda.

Boqorka Bartamaha ayaa Maxkamad ku Taalla Magaalada Addis-ababa waxaa ay ku Xukuntay Xabsi Mudo dheer ah,kadib markii lagu Eedeeyay inuu wax ka ogaa Qarax ka dhacay Xaafadda Booley ee Magaalada Addis-ababa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in soo deynta Wariye Maxamed Aweys Muudey ay qeyb ka tahay Heshiiskii Magaalada Addis ababa horay ugu dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kan Dalka Itoobiya ee ahaa in la soo daayo Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Itoobiya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment