2808 Views

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo lagu weeraray magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Koox Hubeysan oo watay Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Weerar ku qaaday Gaari uu leeyahay Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka mida Sanatarada Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Xilligaas marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfer Ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa Xilliga Weerarka lagu qaaday Waxaa la socday Gabar uu dhalay Xildhibaan Xuseen Cali  Xaaji iyo Wiil Darawal u ah Xildhibaanka Gaarigiisa la Wareeray.

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in uusan la socon Gaariga islamarkaana ay saarnaayeen Gabar uu dhalay iyo Darawalkiisii islamarkaana labaduba ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa Baaritaano kala duwan ka sameeyay Goobta lagu Weeraray gaariga Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment