2988 Views

Aqriso:- Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Gaalkacyo ugu socday Puntland iyo Galmudug.

Aqriso:- Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Gaalkacyo ugu socday Puntland iyo Galmudug.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Shirkii u dhaxeeyey Madaxweyne ku xigeenada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta warmuriyeed laga soo saaray, Shirka inta uu socday waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo maamulkada Gobolka Mudug, labada Duq Magaalo ee Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada laba Maamul iyo xubno Matalaye Bulshada.

War Murtiyeedka Gaba gabada Shirka laga sooo saaray ayaa u qornaa:-

WAR MURTIYEED                                                            

 08 Sept 2017

Kadib Shir muddo 5 barri ah uga socday Maamulada Galmudug iyo Puntland Magaalada Gaalkacyo, loogana hadlayay sidii loo xasilin lahaa xaaladaha colaadeed ee ka jira deegaanada dhul daaqsimeedka baadiyaha iyo waliba in xal loo helo dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii horey magaalada uga dhacay.

Waxaana lagu heshiiyey qodobada soo socda:

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.

5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

WABILAAHI TOWFIIQ

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment