2724 Views

Diyaarad Drones ah oo gantaal ku dhufatay gaari marayay G/Sh/Hoose

Diyaarad Drones ah oo gantaal ku dhufatay gaari marayay G/Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 — Wararka laga helayo Degaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarad ah Nuuca aan Duuliyaha la heyn ee Drones-ka loo yaqaano ay Hal Gantaal ku dhufatay Gaari Nuuca Raaxada ah oo marayay Degaanka Kuunya-barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gaariga ayaa la sheegay in ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab,inkastoo aan la ogeyn Tiradooda.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Qaranimo Online  u Xaqiijiyay iun Gabi ahaanba uu Burburay Gaarigii Gantaalka lagu dhuftay ee ay la socdeen Dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab oo dhamaan ay ku dhinteen Dadkii Saarnaa oo dhan.

Dhowr Jeer ayaa Duqeyn ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose waxaa lagu dilay Hogaamiyaal Sar Sare oo ka tirsan Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment