2613 Views

Trump oo digniin kama danbeys ah udiray xukumadda Pyonyoung

Trump oo digniin kama danbeys ah udiray xukumadda Pyonyoung
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Madaxweyne Donald Trump ayaa digniin ku bixiyay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku buu yiri uu talaabo Milatari oo ka dhan ah xukumadda Pyonyoung uu qaado.

Madaxweyne Trump oo hadlayay isagoo uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha ayaa yiri “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo.

Waxa uu sheegay inuusan wada xaajood la galeyn Kuuriyada Waqooyi.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment