3009 Views

Wasiirada Puntland oo amarro ka soo saaray kala gurka shiling Soomaaliga.

Wasiirada Puntland oo amarro ka soo saaray kala gurka shiling Soomaaliga.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Wasiiro katirsan Maamulka Puntland ayaa kulan degdeg ahaa ka yeeshay kala gurka lagu hayo lacagaha Shilinka Somaliga ee deegaanada Puntland oo ganacsatada wadeen maalmihii ina dhaafay.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa isugu yimid Wasiirka Maaliyada Puntland C/llaahi Siciid Dhaqaashe,Wasiirka Amniga Korneyl Axmed Dowlad, Wasiirka arimaha Gudaha C/llaahi Cali Xirsi Tama Cadde iyo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boss.

Masuuliyiintan oo qaatay shir saacado badan socday ayaa waxa ay iskula qaateen ugu danbeyn war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Qodobada Shirka Ka soo Baxay:

1- Lacagta Shilin Somaliga waa Astaanka Qaranka Cidii ka hor timaadana waa Qaran Dumis.

2- Puntland lacagta Shiling Somaliga waxa ay ku qaadaa Canshuurta, kuna Bixisaa Mushaaraadka meel ay ku diidayna majiro.

3- Shacabka Puntland waxaa laga doonayaa iney qaataan lacagta Shiling Somaliga iyagoo aan kala gurin.

4- Hay’adaha fulinta waxaa laga doonayaa iney waajibaadkooda shaqo ka gutaan oo ay dhaqan galiyaan qodobadaas soo baxay.

Si kastaba qeybo badan oo kamid ah Gobolada  dalka ayaa waxaa ka taagnaa bilihii ina dhaafay diidmo lagala horyimid lacagta Shiling Somaliga, waxeyna Eedeeda saarayaan Maamulka Puntland oo ay sheegeen inuu isaga soo daabacayo lacag cusub taasoo meesha ka saarta midii hore loo siticmaalayay.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment