2631 Views

Xiisad ka dhalatay nin goordhaw Baladweyne lagu dilay oo ka taagan Magaaladaas.

Xiisad ka dhalatay nin goordhaw Baladweyne lagu dilay oo ka taagan Magaaladaas.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Wararka aynu ka heleyno Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in goordhaw Magaaladaasi lagu dilay nin ilaa iminka aanan la sheegin waxa uu ahaa, balse Goob joogayaal ku sugan Magaalada Balad weyne ayaa Qaranimo Online  u sheegay in dilka ninkaasi uu salka ku hayo Dilalka aanooyinka qabiilka la xiriira.

Xaafadda dilka uu ka dhacay ee Howl Wadaag ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Maleeshiyaad hubeysan oo ku heeb ah qofka la dilay, waxaana lasoo sheegayaa in ay baxsadeen Kooxihii dilka geystay.

Ciidamada Dowladda ee Magaalada Balad weyne ku sugan ayaa wado howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey dilka maanta ka dhacay Magaalada Balad weyne, waxaana lasoo sheegayaa in la geeyey saldhigga booliiska si baaritaano ay ugu sameeyaan Ciidamada Booliiska.

Maamulka Gobolka Hiiraan, Kan Degmada Balad weyne iyo Mas’uuliyiinta amaanka oo ay Mustaqbal La xiriirto si ay wax ugu weydiiso dilkaan ayaanan inoo suura galin in ay helno.

Xaafaadda Howl wadaag ee Magaalada Balad weyne waxaa ka socda waan-waan odoyaasha dhaqanka ay ku doonayaan in ay kaga hor tagaan Dagaal beeleed magaaladaasi ka dhaca sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ku sugan Balad weyne.

Gobolka Hiiraan waxaa marar badan ka dhacay Dilal la xiriira aanooyinka Qabiilka, waxayna mas’uuliyiinta Dowladda iyo Hir-Shabeelle u qaabilsan gobolkaasi ay sheegaan in ay wax ka qabanayaan falalkaasi, waxaana wali sii soconaya dilalkaasi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment