3189 Views

32 Sano Kadib Xalay Maxaa Muqdisho Ka Dhacay ?

32 Sano Kadib Xalay Maxaa Muqdisho Ka Dhacay ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 – Waxaa gabi ahaan caawa la soo gaba gabeeyay Tartanka kubadda cagta Degmooyinka gobolka Banaadir, kaasi 4-tii bishii August ee sanadkan ka furmay Garoonka Banaadir Stadium.

Cayaaartan oo u dhaxeysay Waaberi iyo Hodan ayaa bilaabatay 07:50 daqiiqo ee caawa, waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, maadaama koox walba ay dooneysay dhankeeda in ay guusha racdo.

Kooxda Waaberi ayaa qeybtii hore ee cayaarta waxa ay la timid laba gool oo deg deg ah, inkastoo cayaartoyda Hodan ay iska khasaariyeen kubad rigoore aheyd oo ay heleen, waxaana Waaberi kaarka guduudan laga siiyay cayaaryahan garabka uga cayaara.

Markii dib la isugu soo laabtay Waaberi ayaa gool kale la timid, iyada oo gaba gabadii kulanka Hodan ay la yimaadeen goolka calanka, waxaana cayaarta ay ugu dambeyn ku soo idlaatay 3 iyo 1 oo Waaberi ay guusha ku raacday.

Ugu dambeyntii kooxda Waaberi oo kooban ku guuleysatay ayaa la siiyay Koob aad u qurux badan iyo abaalmarino kale, halka Hodan oo kaalinta labaad gashay la siiyay abaalmarino qaali ah.

Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka Banaadir oo goor sii horeysay la hadlay Risaala ayaa sheegay Kaaraan in loo aqoonsaday in la siiyo kaalinta Saddexaad, maadaama cayaar hardan adag ku dhisneyd ay afar dhamaadkii Tartankan la soo yeelatay Hodan, sidaasina abaalmarinteeda lagu siiyay.

Garoonka Banaadir Stadium ayaa la suray Tabeelayaal waa weyn, kuwaasi oo lagu kor suray Nalal aad u waa weyn, si ay u iftiimiyaan Garoonka, oo aanan loo dareemin mugdi.

Masuuliyiinta cayaartan ka soo qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Ku xigeenadiisa, qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha degmooyinka, masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta iyo xubno kale.

Cayaartan ayaa waxaa u soo daawasho tagay kumanaan dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo u badnaa dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira.

 

10 12 14 15 16

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment