3213 Views

Dilal Is Xig-Xiga Oo Muqdisho Ka Dhacay

Dilal Is Xig-Xiga Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 –Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay dilal loo geystay Saddex nin oo la sheegay in midu uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay  nin lagu magacaabi jiray Cumar Khadar Xasan oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Sidoo kale Kooxo hubeysan ayaa xalay meel u dhow xarunta degmada Wartanabadda waxa ay ku dileen nin halkaasi kulahaa timajare.

Dadka degaanka ayaa Qaranimo Online  u sheegay in kooxo hubeysan gudaha u soo galeen goobta ninkaasi uu kulahaa timaha jaraha ka dibna ay toogteen.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

fiidnimadii xalay ayaa sidoo kale kooxo hubeysan ay xaafadda Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkiinley, waxaa ay ku dileen nin lagu magacaabi jiray C/laahi Maxamed Ooliyo.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment