2319 Views

Muwaadin Mareykan ah Oo qirtay in uu Shabaab ku biiray

Muwaadin Mareykan ah Oo qirtay in uu Shabaab ku biiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadin Mareykan ah uu qirtay dambi ah in uu ku biiray Al-Shabaab,islamarkaana  uu  u safray Soomaaliya si uu uga helo tababar millatari Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu sidoo  kale taageero Maaliyadeed uu siiyay Al-Shabaab.

Maalik Alim Jones, oo ah 32-jir, ayaa sheegay in uu doonaayo in dhammaan dambiya laga qafiifiyo xukunkooda, maadaama uu qirtay kahor inta uusan hor imaan garsooraha degmada District Paul Paul Gardephe ee Manhattan.

Jones ayaa qirtay in uu qori AK-47 ah uu adeegsaday intii uu joogay Soomaaliya.

“Waan ogaa in ficilladaydu ay xadgudub ku tahay sharciyada Mareykanka,” ayuu yiri Jones.

Qeyb ka mid ah qirashadiisa, Jones waxay ogolaatay in uusan qaadan karin Racfaan  xukun kasta oo ka yar 50 sano. Wuxuu wajahayaa xabsi daa’in .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment