2199 Views

Baarlamaanka Ciraaq oo diiday aftida kurdiyiinta kaga go’ayaan dalkaas

Baarlamaanka Ciraaq oo diiday aftida kurdiyiinta kaga go’ayaan dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Xildhibaannada Baarlamaanka dhexe ee Dalka Ciraaq ayaa diiday afti ay Kurdiyiinta dalkaas doonayaan in ay qabtaan 25ka Bishan September kuna doonayaan in ay kaga go’aan dalka Ciraaq.

Siyaasiyiinta Sunniyiinta iyo Shiicada Ciraaq ayaa diiddan in la kala jaro Dalka Ciraaq iyada oo ay Kurdiyiinta doonayaan in ay yeeshaan dal madaxbanaan oo ka dhasha Bariga dhexe.

Ra’islawasaaraha Dalka Ciraaq  Xeydar Al-Cabaaddi ayaa Kurdiyiinta uga digay in ay isku dayaan afti aan fasax ka ahaysan dowladda waxaana uu ku taliyay in marna aan la kala qeybin dalka Ciraaq.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka Ciraaq ay jebineyso aftida ay ku go’ayaan Kurdiyiinta,taas oo uu sheegay in ay dhaawac ku tahay Jamhuuriyadda Ciraaq.

111; Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka dhexe ee ee Ciraaq kana soo jeeda Kurdiyiinta ayaa isaga baxay kulankii shalay waxaana ay diideen natiijada codka ka soo baxay baarlamaanka iyaga oo sheegay in Berri oo khamiis ah ay qaadan doonaan kulan iyaga u gaar ah.

Golaha degaanka Kirkuuk ayaa billowgii Bishan u codeeyay in ay aftidaasi qabsan karaan Kurdiyiinta,waxaana ka dhalatay falcelin sababtay in la horgeeyo Baarlamaanka dhexe.

Kurdiyiinta ayaa tan iyo dagaalkii 1aad ee Dunida raadinayay dal ay leeyihiin,waxaana Gumeystihii qabsaday Bariga dhexe uu dadka Kurdiyiinta ah iyo dhulkoodiiba kala raaciyay dalalka Turkiga,Ciraaq,Syria iyo Iraan,kuwaas oo dhamaan ka soo horjeeda aftida ay hadda doonayaan Kurdiyiinta Ciraaq oo sababi karta in ay Kurdiyiinta kale ku darsamaan sidaasna dal kale uga soo dhexboxo dalalka Syria,Ciraaq,Iraan iyo Turkiga.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment