2910 Views

Bangiga Horumarinta Afrika Oo Wadamo Ay Soomaliya Qayb Katahay Ugu Deeqay $78Milyan

Bangiga Horumarinta Afrika Oo Wadamo Ay Soomaliya Qayb Katahay Ugu Deeqay $78Milyan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 –Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa lacag gaareysa $78Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqay Waddamada Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan oo ka mid ah meelaha ugu baahida badan dhinaca kaalmada Caalamiga ah.

Wakiillada Bangiga horumarinta Afrika u saxiixay heshiiska uu Bangiga lacagtan ku bixinaya ay ku wajahan tahay ka hortagga iyo Baahida abaaraha.

$34.8 milyan oo ka mid ah lacagtaan waxaa ay ku aadday Soomaaliya waxaana lagu sheegay in ay ka faa’idi doonaan 804,000 oo qof oo Soomaali ah.

Dhanka Koofurta Suudaan waxaa ay lacagtan ka heshay $43.8Milyan oo doollar,taas oo iyana ay ka faa’idi doonaan 300,000 oo Dadka koofurta Suudaan u dhashay ah.

Warbixinta Bangiga ayaa lagu sheegay in lacagahaasi lagu caawin doono dadka da’da ah,Haweenka,dadka lixaadkooda dhibbanyahay iyo Carruurta ee ay saameynta taban ku yeesheen abaaaraha ku dhuftay Gobolka Geeska Afrika.

Heshiiskan waxaa saxiixay afar dhinac oo kala ah Soomaaliya,Koofurta Suudaan,IGAD iyo wakiillada Bangiga horumarinta Afrika.

Wakiillada ka socday Bangiga Horumarinta Afrika in uu Bangigoodu uu qorsheynayo in $1.1Bilyan oo doollarka Mareykanka uu ku maalgeliyo goobaha ay abaaraha iyo barakacayaasha ku suganyihiin.

Kaalmada Bangiga Horumarinta Afrika ayaa lagu sheegay in xoogga lagu saarayo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah,,Cuntadada,Gargaarka iyo kaalmada Daawada,dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment