2571 Views

Daawo Sawirada ;-Khudbadaha Musharaxiinta Maamulka Hir-Shabelle Oo Soconaysa

Daawo Sawirada ;-Khudbadaha Musharaxiinta Maamulka Hir-Shabelle Oo Soconaysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 Waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle Maanta ku soo gaba gaboobay Wajiga koowaad ee dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Ilaa Afar Musharax ayaa Maanta qorshuhu ahaa in ay jeediyaan khudbadahooda mushaarxnimo balse waxaa Goobta ka maqnaa Musharax  Cabdinaasir Shirwac Maxamed oo aan Jowhar ku sugneyn.

Musharixiinta khudbeeyay Maanta ayaa kala ahaa

1:-Maxamed Cabdi Waare

2:- Cabdi Kariim Cali Nuur

3- Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in Musharax Cabdinaasir Shirwac Maxamed uu ka mid noqon doono Musharixiinta Maalinta Berito ah khudbeyn doono.

Doorashadii horay uga dhacday Magalada Jowhar ee uu ku soo baxay Cali Cabdullaahi Cosoble iyo tan Maalinta Sabtida ah ayaa kala duwan, ilaa 8 Musharax ayaa haatan u taagan xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle halka tii hore ay ku tartameen laba Musharax oo kaliya.

m1 m2 m3 01 03

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment