2670 Views

RW Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee QM

RW Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadaa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka Sanad laha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu waday in shirkan uu ka qeyb galo markii u horeysay, isagoo Madaxweyne ah, ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa u sheegay Warbaahinta in maalinta Axada ee soo socota uu u duuli doono magaalada New York.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii dalka ka dhacay horaantii sanadkan, kaddib doorashadii Madaxweynaha.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadli doonaa arrimaha ka taagan caalamka, oo ay xaaladaha Soomaaliya qeyb ka tahay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment