2469 Views

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xilka ka qaaday wasiir taageeray dhiibistii Qalbi Dhagax

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xilka ka qaaday wasiir taageeray dhiibistii Qalbi Dhagax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.

Wareegto uu saaray Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Bashiir C/raxmaan, kaddib markii uu ku kacay Mas’uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Lama oga wareegtadan xil ka qaadista inay salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay Warbaahinta, kaasoo uu ku taageeray go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada xil ka qaadista

4444

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment