4032 Views

Sawiro:- Dibadbax lagu taageeraayo DF oo Muqdisho ka dhacay

Sawiro:- Dibadbax lagu taageeraayo DF oo Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Dibad baxayaal taageersanaa Xukuumadda oo maanta isugu soo baxay waddooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa rasaas lagu kala  eryay, kaddib markii ay isku dayeen inay ku hor-banaan baxaan Xarunta golaha shacabka, halkaasoo ay ku kulansan yihiin Xildhibaanada.

Dadka dibad baxayay oo isugu jiray haween, iyo carruur ayaa watay sawirada Madaxda dowladda iyo boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, waxaa badankood ay ka soo baxeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Waabari iyo Howlwadaag.

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka iyo hareeraheeda ayaa dadkan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, kaddib markii ay soo gaareen dalcada Taalada Sayidka oo ku dhow xarunta Golaha shacabka.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Waa markii u horeysay banaan baxayaal taageersan Xukuumadda ay kala eryaan Ciidamada, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala xarunta golsha shacabka.

v1 v2

dibabax-muqdisho-10 dibabax-muqdisho-9 dibabax-muqdisho-8 dibabax-muqdisho-7 dibabax-muqdisho-6 dibabax-muqdisho-4 dibabax-muqdisho-5 dibabax-muqdisho-3 dibabax-muqdisho-1 dibabax-muqdisho-2

..

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment