3195 Views

Maxaa ka soo baxay manta kulankii Barlamaanka Soomaaliya ?

Maxaa ka soo baxay manta kulankii Barlamaanka Soomaaliya ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Dood Adag oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo dhaamaatay , waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dooda Baarlamaanka ka sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ay aheyd Sharci daro.

Sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay Golaha Wasiiradda Go’aankii ay qaateen in uu sax ahaa.

Gabagabadii kulanka ayaa gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Jawaari uu sheegay in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax sida uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya ayaa dood ka dhexdhaliyay Xukuumadda iyo sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya.

11

1013 14 15

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment