2589 Views

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir muhiim ah oo ka shacay Yugandha

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir muhiim ah oo ka shacay Yugandha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Yugandha ayaa waxaa ka soconaya shir ku saabsan Ammaanka wadamada ku yaala Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto,kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika.

Wadamada ka qeybgalaya shirkan oo gaaraya ilaa 14 wadan waxaa ku jira Soomaaliya oo ka mid ah wadamada sida gaarka ah diiradda loogu saari doono shirkaasi gaar ahaan tayaynta Ciidamada Soomaaliya.

Ajandayaasha ugu badan ee shirkaasi horyaala ayaa ah amniga oo dhinacyo kaladuwan looga hadlayo sida iskaashiga sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha ay bulshada kala kulmaan kooxaha Argagixisada ee Alshabaab.

Korneel Muuse C/qaadir  Xasan oo ka tirsan hoggaanka xiriirka dibadda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa sheegey in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.

“Shirkan waxaa ka qeybgalaya 14 dalka oo Bariga Afrika ku yaala,ka Soomaali ahaan, aad ayuu muhiimad uu inoogu leeyhaay waxaana loooga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliya, loona qalabayn lahaa si ay Ammaankooda u la wareegaan, waxaana geba gebada imaan doona Wasiirrada amniga ama arrimaha gudaha ee wadamadan shirka ka qeybgalaya”, Ayuu yiri Korneel Muuse.

Wadamada Yugandha iyo Kenya oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa ka mid ah wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment