2235 Views

Wariye C/llaahi Cismaan oo Saaka u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Balad Weyne.

Wariye C/llaahi Cismaan oo Saaka u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Balad Weyne.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 –Cabdullaahi Cismaan Macalin Aadan ayaa ahaa wakiilka Jubbalnd TV ee Gobolka Hiiraan waxaana dhaawac kasoo gaaray weerarkii 10/Bishaan ka dhacay Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaa oo ahaa Mid ismiidaamin ah.

Madaxa ayaa la sheegay in uu firir ka dhashay qaraxii uu ka waxyeeleeyey, waxa uuna noqday ogaal la’aan, Isbitaalo kala duwan oo ku yaal Muqdisho ayaa la sheegayaa in la geeyey balse ugu dambeyn Salaadii Subax ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Wariye Cabdullaahi ayaa ahaa Qof dhalinyaro ah, waxa uuna ifka kaga tagay Gabar iyo Hooyadeed oo la sheegay in ay  Xaamilo tahay.

Yuusuf Xasan Salaad (Cadaani) oo ah Agaasimaha Tv-ga Jubbaland ee uu ka shaqeynaye oo la hadlay Xafiiska Wararka Qaranimo Online Ee Muqdisho  ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Wariye Cabdullaahi Cismaan waxa uuna ku sifeeyey in uu ahaa qof howl kar ah, ka maamul ahaan waxa uu tibaaxay in ay si dhaw ula socon doonaan Xaaska iyo Gabadha uu ka geeriyooday.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment