3483 Views

Ciidamada Amaanka Soomaali-land Oo Toogasho Ku Dilay Muwaadiniin u Dhashay Oromada Itoobiya.

Ciidamada Amaanka Soomaali-land Oo Toogasho Ku Dilay Muwaadiniin u Dhashay Oromada Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 –Sida ay qoreyso warbaahinta ka soo baxda magaalada Hargeysa laba Orromo ah ayaa lagu dilay Kaantaroolka Caabudla’a ee Galbeedka Somaliland kadib markii dadkaasi isku dayeen inay ka baxsadaan ciidamada Ilaalada Kaantaroolka ee Soomaali-land

Rasaas ay Ciidanka Soomaali-land rideen ayaa labadaasi qof ku dhacday, Sidoo kale Itoobiya waxaa lagu laayay in ka badan 25 qof oo Soomaali Ganacsato ah kuwaasi oo jaadka ka keeni jiray dalkaasi oo Somaliland soo galin jiray.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo la hadlay warbaahinta maalintii Salaasada waxaa uu sheegay in baaritaano lagu sameyn doono falal bini’aadanimada ka baxsan oo ka dhacay magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya kuwaasi oo lagu Gubay qaar ka mida Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in dhimashadu ay kor u dhaafeyso 40 qof, Orromo gaareysa 10 qof ayaa sidoo kale lagu dilay magaalada Jigjiga kadib markii dadka deegaanadaasi ku nooli ay ka gadoodeen qaabka loo dilay ganacsatada Jaadka.

Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in maydadka dadkaasi lagu aasi doono magaalada Jigjiga isagoo ku baaqay daganaan amni in ay muujiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Wadahadalo Horaantii todobaadkan madaxda Soomaalida iyo Orromada loogu qabtay Addis ababa ayaa lagu kala kacay, Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay ku kala dhex jiraan ciidamada labada Maamul.

Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland waxaa laga waayay dadka Qoomiyada Orromada oo ku noolaa, sidoo kale goobaha qaar oo ay dadkaasi ka shaqeyn jireen ayaa xalley kooxo dhalinyaro ah isku dayeen inay kala soo baxaan oo ay dilaan inkasta oo laga kaxeeyay.

Xaafada State House ee ay Orromada ugu badan ku nooshahay dad ayaa lagu waxyeeleeyay. Soomaalida Itoobiya ku nool ee magaalooyinka Herer, Hawadaay jooga waxaa la sheegaya in Ciidamada Milaterigu ay amaankooda sugayaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment