3324 Views

Duqa Magalada Muqdisho oo magacaabay Qasnajiga Gobolka Banaadir

Duqa Magalada Muqdisho oo magacaabay Qasnajiga Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa magacaabay Qasnajiga Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay Xamdi Cali Nuur in ay noqoto Qasnajiga guud ee Dowladda hoose ee Muqdisho.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha uu xil magacaabistan ku sheegay in ay tahay talo soo jeedin uu ka helay ku xigeenkiisa maamulka Malaiyadda oo ah Maluuka Xaaji Dheere.vv

Magacaabistan waxaa ay timid kaddib markii maalin ka hor ku xigeenka Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir Maluuka Xaaji Dheere ay shaqadaas ka joojisay C/Raxiin Iimaan Jimcaale.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment