3501 Views

Magaalada Baydhabow oo laga mamnuucay in lagu qabto shirar ka dhan ah dowladda K/Galbeed

Magaalada Baydhabow oo laga mamnuucay in lagu qabto shirar ka dhan ah dowladda K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laguma qaban karo shir uusan ogeyn maamulka, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Nuurdiin Yuusuf (Gacma) Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sheegay talabo adag in laga qaadi doono cidii jabisa amarkan, sharcigana la horgeyn doono, si loola xisaabtamo.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay in magaalooyinka waa weyn ee Koonfur Galbeed aanan lagu wadan Karin Hubka sharci darada ah, ee aanan ka diiwaangashaneyn Wasaaradda Amniga.
“Shir aysan ogeyn Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya laguma qaban karo Magalada Baydhabo iyo degaanada kale, sidoo kale degaanada Koonfur Galbeed laguma wadan karo hubka sharci darada ah ee aysan ogeyn Wasaaradda Amniga.” Ayuu yiri Nuuradiin.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan dambe Ciidamada ammaanka waxa ay ka wadaan Howlgallo amni xaqiijin ah, kadib markii dhowaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray, halkaasi oo uu ku dilay Afar qof.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment