5139 Views

Sawiro :- Malintii labaad iyo Carwo Buugeedka magaalada Muqdisho

Sawiro :- Malintii labaad iyo Carwo Buugeedka magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 – Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka socda bandhigga carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho, shalay oo Khamiis aheydna furmay.

Xafladda furitaanka waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, xubno ka socday Beesha Caalamka, Dadweyne fara badan oo u badnaa dhalinayo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Sanadkan waxaa Bandhigga lagu casuumay Aqoonyahano, xirfadlayaal, qorayaal iyo dad kale, kuwaas oo soo bandhigga buugaagta ay qoreen, waxaana kafaa’idaysta buugaagta ay soo bandhigaan dadka ka qeyb galayaasha ah.

Carwadda bandhigga buugaagta ayaa lagu tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay wax badan oo aqoon ah ka faa’iidaystaan, iyadoo la ogyahay in magaalooyinka qaar ee dalka laga bilaabay bandhig nuucaan ah sida Hargeysa iyo Garowe.

Maalinta berri ah oo Jimco ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo bandhigga carwada buugaagta, iyada oo lagu wado in ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa ee dalka.

k1 k2 k3

b4

b4

p1 p2 p3 p4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment