3066 Views

Q.M Oo Ku Baaqaday Kordhinta Qarashka ku baxa Ciidamada AMISOM

Q.M Oo Ku Baaqaday Kordhinta  Qarashka ku baxa  Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 –Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Waddamada taageera AMISOM iyo Waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey in ay xoojiyaan taageerada dhaqaale ee ku baxda AMISOM.

Haile Menkerios; ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya laga gaaray guulo wax ku ool ah loona baahan yahay in la xajiyo guulahaas sidoo kalena la sameeyo horumarro kale si ay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uga adkaadaan Al-shabaab.

Waxaa uu isaga oo jooga Magaalada Adis ababa ka qeybgalayay shirka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka dhacay New York,waxaana uu xogwarran ka siinayay golaha xaaladda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo ilaa hadda halka ay wax marayaan.

Waxaa uu sheegay in walaaca ugu weyn ee ay AMISOM wajaheyso ay ka mid tahay dhaqaalaha lagu socodsiinayo howlgalka AMISOM iyada oo waddamada Yurub iyo mareykanka ay gabi dhacleyneyso ku talalgalkooda taageerada Maaliyadeed ee Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Golaha amaanka ayuu u sheegay in Midowga Afrika qeybta kaga aaddan howlgalka ee farsamada iyo Ciidamada ay qeyb ahaan ka soo baxeen inkasta oo aysan ahayn sidii la rabay hayeeshee waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ay hadda ka jirto dhaqaalaha oo ku sii soconayo howlgalka Midowga Afrika.

Golaha amaanka ayaa Bishan gudaheeda kordhiyay waqtiga howlgalka AMISOM iyaga oo gaarsiiyay ilaa 31-da May 2018,waxaana ay dhinaca kale sheegeen in ay billaabaneyso bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya dhamaadka sanadkan 2017.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment