2904 Views

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow Oo Baaq U Diray Wasiirradii hore

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow Oo Baaq U Diray Wasiirradii hore
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 –Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya,Xildhibaan Mustaf Maxamed Dhuxulow ayaa u digay Wasiirradii ka tirsanaa dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee hadda isku dayaya in ay dowladdan dumiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo ka hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in isaga uusan 3; Sano Wasiir noqon,islamarkaana uu is duray Irbad dulqaadka wasiirnimo la’aanta ah,waxaana uu u soo jeediyay Wasiirradii afartii sano ee la soo dhaafay maamulayay dalka in ay is dejiyaan.

Xildhibaanka ayaa ka digay in kacdoon shacab oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaar ah leh ay horseedeyso in ay dowladda bur burto,taasina aysan ahayn wax loo baahan yahay.

Xildhibaannada hadda wada mucaaradidda dowladda hadda jirta ayuu sheegay in haddii ay joojin waayaan danaha shaqsiyaadka ee ka dhanka ah dowladnimada Soomaaliya ay markaas dhici karto in iyagana lagu daydo oo sida ay u dhaqmayaan loo dhaqmo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment