2112 Views

Xildhibaannada Hirshabeelle Oo dhegeysanaya khudbadaha shan Musharrax

Xildhibaannada Hirshabeelle Oo dhegeysanaya khudbadaha shan Musharrax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 –Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta dhegeysanaya khudbadaha shan Musharrax oo ka mid ah 3; musharrax ee u tartameysa xilka madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Sharal oo Arbaco ahayd waxaa khudbadaha jeediyay sideedda Musharrax ee xilkaas u tartamaya waxaana baaqday mid ka mid ah oo lagu daray qeybta maanta khudbadaha jeedin doona.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle waxaa ay dhici doontaa sabtiga soo socda oo ay Taariikhdu tahay 16ka Sept 2017.

Sideedda Musharrax ee u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kala ah;

  • Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.
  • Cabdikariin Cali Nuur.
  • Daahir Cabdulle
  • Maxamed Cabdi Waare.
  • Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
  • Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
  • Maxamed Caruush Diirow iyo
  • Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Madaxwyenihii hore ee maamulka HIrshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble,waxaana ay ahayd 14kii August,guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in 30 cisho gudahood lagu dooranayo madaxweynaha beddelaya Cosoble kaas oo ka imanaya beesha Cosoble ka soo jeedo.

Qorshaha doorashada Madaxweeynaha ayey ahayd in ay dhacdo 12kii Bishan oo shalay ku beegneyd hayeeshee Guddiga doorashada ayaa sheegay in waqtiga ciriiri ku yahay sidaasna dib ugu dhigteen muddo afar maalmood ah iyaga oo kala tashtay Baarlamaanka Hirshabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment