3918 Views

Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  16 September 2017 – Maxaned Cabdi Waare ayaa  ku guuleystey doorashaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, kaddib markii uu wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale.

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegii labaad kula tartamay Daahir Cabdulle Cawaale. Waare ayaa helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Ciidamada ammaanka, kuwa AMISOM ayaa isku gedaamay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan ammaankiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare ayaa la dhaariyay, waxaana uu jeediyay  khudbad uu ugaga mahadceliyay xildhiabaanada doorashada ay u doorteen Madaxweynaha Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdulahi Cosoble ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada Madaxweynaha  ayuu ka digey in dowladu ay musharax la safato.

Waare oo ah aqoonyahan ku taqasusay dhinaca beeraha aqoon dheerna u leh labada gobol ee ku midoobay dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ballanqaaday in uu wax ka qaban doono arrimaha beeraha uuna dhul doog ah kadhigi doono dowlad goboleedka Hirshabelle.

Rasaas lagu dabaaldegayo doorashadiisa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar sidoo kale dhalinyaro badan ayaa lagu arkay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar iyagoo qaar kamid ah ku hadaaqaya halkudhegga ah “Ar Waare Ii Geeya” waana halkudheg la mid ah tii guushii uu Madaxweyne Farmaajo ka gaaray doorashadii horaantii sanadkan ee ahayd “Farmaajo Ii Geeya.”.

Maxamed Cabdi Waare ayaa laga sugayaa inuu isbedel ku sameeyo dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo la filayo inuu si dhaqso ah ku soo dhiso golaha wasiirada dowladiisa cusub.

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment