3009 Views

Sawiro:-Gudoomiye Ku Xiheenka Labaad Ee BFS Oo Gaaray Khartoum

Sawiro:-Gudoomiye  Ku Xiheenka Labaad Ee BFS Oo Gaaray Khartoum
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 16 September 2017 – Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golah Shacabka Mudane Mahad Cabdalla ayaa gaaray Magaalada Khartum ee Caasimadda dalka Suudaan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Wafdiga Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig,Xildhibaan Abdirahmaan Maxamed Suge iyo waliba Xildhibaanad Ikran Yuusuf Hersi .

Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in uu ka qeyb galaayo Shir weynaha golaha fulinta ee urur Gobaleedka IGAD ee dhanka iskaashiga Barlamaanka.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in uu maanta ka furmo Magaalada Khartuum.

 

1 2

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment