2541 Views

Kulan xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo

Kulan xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 17September 2017 – Barnaamijkan  wacyi galinta ah oo dhammaan  dad weynaha dowlad goboleedyada dalka oo  lagu fahamsiinayo shuurucda dalka oo uu ka mid yahay hannaanka shaqo ee xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo  ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankaan waxaa ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr  Axmed Cali Dahir ,xeer ilaaliyaha maxkamadda  gobolka  Jubbada hoose Cabdicasiis Maxamed sheikh Maxamed Abdi oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda racfaanka iyo marti sharaf kale oo qaybaha bulshada laga soo xulay.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir oo daah furay kulankaan wacgi giant iyo sare u qaadista fahamka nidaamka shaqo ee xeer ilaalinta qaranka ayaa sheegay in ujeedada kulankaan ay tahay sidii bulshada loo fahamsiin laha cadaaladda iyo habka shaqo ee hay’adaha garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Jubbada hoose, Cabdicasiis maxamed ayaa dhankiis sheegay in muhiim tahay in wacyi galinta shacabka la joogteeyo ay sahli karto baraaruga shacabka iyo doorka ay ku leeyihiin ka shaqeynta cadaaladda.

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment