5244 Views

Sawiro:- Farmaajo oo lakulmay qoraayaal Soomaaliyeed

Sawiro:- Farmaajo oo lakulmay qoraayaal Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 17September 2017 – Madaxweynha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qalinlayda Soomaaliyeed ee ka qayb galay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay carwada buugaagta muddii sadexda maalmood ah ee ay furnayd.

Qorayaasha ka qayb galay casho sharafta ayaa la wadaagay madaxweynaha caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa kula dar daarmay qoryaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay asaas u tahay nolasha. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa bogaadiyey dadkii soo abaabulay carwadaan iyo dadaalkii dheera ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

05A6894-768x512 05A6906-768x512 05A7062-768x512 05A7021-768x512 05A6997-768x512 05A4790-768x512 05A6825-768x432 05A6835-768x512

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment