2622 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga

Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  –War Saxaafadeed ku qornaa Luuqa English-ka oo ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu muujiyay taageerada Koonfur Galbeed ee ku aadan go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ku saareen Dowladda Qatar.

Warka ka soo baxay Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay go’aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar.” Ayaa lagu yiri Warka.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Axmed oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inuu sax yahay warka ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayna taagerayaan Dowladaha Khaliijka go’aankii ay qaateen.

Horay waxaa go’aanka Dowladda Sacuudiga u taageeray Maamulada kala ah Hirshabelle, Puntland iyo kuwa Koonfur Galbeed oo hadda ku soo biiray Maamulada taageeray go’aankii Dowladaha Khaliijka.

Go’aankaan ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbed, ayaa culeys hor leh wuxuu ku noqonayaa Dowladda Federalka Somaliya, maadaama Dowladda ay horay u qaadatay go’an dhexdhexaad ah.

001 022

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment