3726 Views

Maamulka Somaliland oo ka hadashay khilaafka Soomaalida iyo Oromada

Maamulka Somaliland oo ka hadashay khilaafka Soomaalida iyo Oromada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay rabshado dad badan ay ku dhinteen oo gudaha Itoobiya ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa marka hore tacsi u diray Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi in ka badan laba bilood ka socday xuduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa shacabka Somaliland ku baraarujiyay inaan wax dhibaato ah aanan loo geysan dadka Oromada ah ee ku nool degaanada maamulka Somaliland, maadaama uu sheegay in ay yihiin dad magangalyo u jooga Somaliland.

Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska in looga baahan yahay inay soo qabtaan oo sharciga ay hor geeyaan hadii ay arkaan dad dhibaato u geysanaya Oromada ku nool degaanada Somaliland

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment