2427 Views

Shir muhiim ah oo ka furmay Jabuuti

Shir muhiim ah oo ka furmay  Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  – Shirkani oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Madaxdii shirkaasi kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan wadanka Yemen iyo dhibaatooyinka heysta.

Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Axmed Daahir Cabdikariim Nuur oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la isku afgartay in dalka dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan Yeman ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, lana siin doono dhaqaalihii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa doonaya inay Yeman joogaana laga Taageeri doono dhinaca nolosha inta ay iska bedelayso xaalada amaan ee wadanka Yeman.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Hay’adda Qaxootiga Qaranku ay ku Guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Yeman.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment