4005 Views

Wiil hooyadiis oo 81jir ah ku dilay Alaksandariya, Masar

Wiil hooyadiis oo 81jir ah ku dilay Alaksandariya, Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  – Magaalada Alexandria ee dalka Masar waxaa lagu dilay   Zeinab as-Sayyid Mahfouz oo ah hooyo 81 jir ahayd,waxaana dilay wiil ay iyada dhashay.

Wiilka ayaa jir dil u geystay hooyadii kaddib markii ay ka soo cabatay xaaska uu isaga qabo oo sheegtay in hooyadiis ay isaga kala noolaan la’dahay.

Hooyada oo laga soo tuuray dabaq dheer ayaa lagu arkay dhismaha hoostiisa iyada oo dhiigbaxeysa waxaana la geeyay Isbitaal halkaas oo ay ku geeriyootay.

Wiilka iyo Xaaskiisa oo isku dayay in ay ka baxsadaan Guriga waxaana iyaga oo cararaya gacanta ku dhigay Booliska kuwaas oo hadda xabsiga magaalada ku haya.

Dalka Masar ayaa arrintan aad looga hadal hayaa waxaana ay dadka dalbanayaan in wiilkaas la geeyo caddaaladda lana marsiiyo ciqaabta falka uu geystay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment