2343 Views

Boob xoogan oo lagu hayo ganacsato Soomaali ah ee ku nool Koonfur Afrika

Boob xoogan oo lagu hayo ganacsato Soomaali ah ee ku nool Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay waxaa ka dhacay rabshado raad ku reebay Soomaalida, kadib markii Taksileyda Cape Town ka dhex shaqaysa iyo Shirkadaha kale ee Taxi Service-ka gaar ahaan Uber ay soo abaabuleen Dibadbax.

Taksiileyda ayaa ka cabanaya sida ay sheegeen canshuurta Dowladda oo xad dhaaf ah, iyaguna ay doonayaan inay sare u qaadaan qiimaha lagu raaco Tagaasida.

Banaanbaxan oo mudo saacado ah xalay ka socday Cape Town ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dukaamada ku leh Tuulooyinka ka akdhow magaalada.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa goobohooda ganacsi waxaa la isugu daray dhac iyo in la gubo, maadaama rabshadaha ay ahaayeen kuwo xoogan oo dad badan oo madow ah ay horkacayeen.

Weli lama oga khasaaraha hantiyadeed heerka uu gaarsiisan yahay, waxaanan jirin khasaare nafeed, inkastoo weli ay jirto cabsi laga qabo inay markale dhici karaan Banaanbaxyo.

Dowladda South Africa gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha war ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in cabashadaasi deg deg wax looga qaban doono, si loo joojiyo rabshadaha ka socda gudaha magaalada Cape Town

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment