2808 Views

Galmudug Oo Amar Ku Soorogtay Nin u gafay Nabi Muxamad (NNKH)

Galmudug Oo Amar Ku Soorogtay Nin u gafay Nabi Muxamad (NNKH)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Ciidamada maamulka Galmudug ayaa amar lagu siiyay inay soo xiraan nin lagu magacaabo C/wali Afyare Cali oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninkan ayaa waxaa lagu eedeeyay muuqaal sawir ah oo ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo uu ku sheegayay in uu yahay Nabi Muxamad (NNKH).

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Galmudug Mahdi Xasan Maxamed ayaa laamaha amniga ku amray in ay soo xiraan ninkaasi aanu ku tilmaami karin inuu wadaad yahay, balse uu ku sifeeyay in uu yahay Sheydaan.

Mahdi Xasan Maxamed ayaa dadka baraha bulshada ku sii faafinaya sawirka uu ninkan soo bandhigay ugu baaqay in ay joojiyaan faafinta sawirkaasi, wuxuuna ka codsaday in aysan ninkaasi ku garab istaagin qaladka uu galay.

Dhanka kale Wasiirka Diinta & Awqaafta Galmudug, Mursal C/raxmaan Axmed ayaa diin ka bax ku sheegay tallaabadii uu ku dhaqaaqay wadaadkaasi, wuxuuna tilmaamay in arrintani ay tahay mid loogu gafaayo Diinta Islaamka, isla-markaana ay tahay wax aan sal iyo raad toona lahayn.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment