2598 Views

Golaha Shacabka oo beeniyay in loo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda

Golaha Shacabka oo beeniyay in loo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Maalimihii u dambeeyay Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaar ayaa qorayay in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya  balse taasi been abuur lagu tilmaamay.

Xogheyaha Baarlamaanka  Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in Wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana aysan jirin wax qaraar ka dhan ah Xukuumadda oo Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay.

Waxa uu sheegay in markii ay xukuumadda Soomaliya ay soo saartay Go’aankii lagu wareejiyay Cabdi Kariin muuse Qalbi Dhagax ay arrintaan timid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga joogtada ee Baarlamaanka markii ay maqleen arrintaan iyaga oo ka jawaabaya ay ka fariisteen,isla markaana ay u gudbiyeen Golaha Shacabka ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ay guddi ka soo tala bixiya  u Magacaabeen.

Tan iyo markii ay soo baxday wareejinta Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Ururka ONLF waxaa arrintaasi ka abuurmay guux Siyaasadeed kaas oo ka dhex abuurmay Xukuumadda dhexdeeda iyo waliba Shacabka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment