2493 Views

Maraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya iyo hawlgalka AMISOM

Maraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya iyo hawlgalka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Madaxweynaha dalka Uganda,Yoweri Museveni iyo Danjiraha Maraykanka u joogta Xarunta QM, Nikki Haley ayaa xalay kulan ku yeeshay Aqalka Uganda ee ku yaalla magaalladda New York.

Museveni waxa uu Nikki Haley warbixin ka siiyey Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi iyo heerka uu marayo Hawlgalka AMISOM.

Danjiraha Maraykanka u joogta Xarunta QM, Ambassador Nikki Haley waxay amaantay Kaalinta ay Dowladda Uganda ka qaadanayso Hawlgalka AMISOM iyo dadaalka lagu doonayo Nabad iyo Deganaansho ka tisqaada Somalia iyo South Sudan.

Waxay kaloo sheegtay inay Uganda tusaale fiican u tahay sida ay u qaabilaan Qaxootiga, waxayna xustay inay ka taageeri doonaan arrintaasi

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment