2646 Views

Maxaa ka soo baxay shirkii Baarlamaanada IGAD ee ku soo idlaaday Khartuum ?

Maxaa ka soo baxay shirkii Baarlamaanada IGAD ee ku soo idlaaday Khartuum ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Dalka Sudaan Xaruntiisa Khartuum waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirka Baarlamaanada waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay ka qeybgelayeen xubno ka mid ah Baarlamaannada Waddamada IGAD.

Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga Waddamada IGAD,Tahriibka Dhallinyarada u dhalatay Waddamada ku jira IGAD,Cimillada iyo saadaasha Hawada Waddamada IGAD iyo Gudniinka fircooniga ah.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo 3xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya u matala Baarlamaannada IGAD kuwaas oo ay ka midyihiin C/Rashiid Maxamed Xiddig iyo Ikraan Yuusuf oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Shirkan oo soconayay muddo saddex Cisho ah ayaa looga hadlay sida wax looga qaban karo arrimaha kor ku xusan iyada oo dhamaadkiisa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira waddamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.

Shirkan waxaa uu ahaa kii 9aad ee Baarlamaannada IGAD xubno ka socda ay ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD,sanadkiiba mar,waxaana sanadkan marki geliyay Dowladda Suudaan.

xxx

n00 n333

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment