2355 Views

Puntland oo dad loo heystay Al-Shababnimo sii deysay kadib markii ay tahriibayaal noqdeen

Puntland oo dad loo heystay Al-Shababnimo sii deysay kadib markii ay tahriibayaal noqdeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Maxkamadda darajada 1aad ee Maamulka Puntland ayaa sii deysay 12 ka mid ah 14 Qof oo loo heystay in ay ka mid yihiin Al-shabab ,waxaana ay Maxkamadda Xukun ganaax ah ku ridday 2 Qof oo u dhashay degaannada Puntland.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa sheegay in 12 ka mid ah Dhallinyarada loo heystay Al-shabaabnimada ay noqdeen Tahriibayaal islamarkaana ay Maxkamadda siideysay.

Waxaa uu sheegay in 2 qof ee kale oo ka soo jeeda degaannada Puntland lagu xukumay in ay bixiyaan $800 Doollar labadooda maaddaama ay ahaayeen dad ka gacansanayay Tahriibka.

Waxaa uu sheegay in laamaha amniga Puntland lagu wareejiyay 12ka qof ee ka soo jeeda Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in dib loogu celinayo degaannada ay ka soo jeedaan.
Dhanka kale Xeer ilaaliyaha ayaa ka hadlay xaaladda Taliyihii maxkamadda Boosaaso oo dhawaan lagu dhaawacay magaaladaas,waxaana uu sheegay in qaliin lagu sameeyay islamarkaana ay u badan tahay in aan gudaha wax looga qaban karin oo dibadda loo qaadayo.

Waxaa uu intaas ku daray in uu ahaa Ninkii ugu wanaagsanaa eeamniga Maxkmadda hayay tan iyo burburkii dowladdii dhexe,kaas oo uu sheegay in labad Xabaood ay kaga dhaceen sambabka laguna hayo daweyn.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment