2187 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka qeyb gelaya shirka Golaha Guud ee QM oo maanta ka furmaya New-York

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka qeyb gelaya shirka Golaha Guud ee QM oo maanta ka furmaya New-York
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Shalay ka Dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb geli doona Shirka Golaha Guud Ee QM oo Maanta ka Furmi doona Magaalada New-York ee Dalka Mareykanka.

Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedin doona Shirka,waxaana uu Qudbaddiisa uu diiradda ku saari doonaa Ammaanka,la Dagaalanka Al-shabaab, dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidii loo Maalgashan lahaa Dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanaya Colaad Mudo dheer uu ku jiray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Shirka Golaha Guud ee QM ka horsheegi doona waxii u qabsoomay Mudadii Koobneyd ee Xukumaddiisa ay jirtay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment