2433 Views

Sawiro :- Shir in mudo ah ka soconayey shiinaha oo la soo gaba gabeeyay

Sawiro :- Shir in mudo ah ka soconayey shiinaha oo la soo gaba gabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Shirkan ayaa waxaa looga hadlayay sidii wada shaqeyn iyo xiriir fiican uu u dhaxe mari lahaa Bulshooyinka Afrika iyo Shiinaha, iyo sidii Dalalka Afrikaanka ah loola socodsiin lahaa Fursada Shiinaha ka jira oo ay doonayaan inay Dunida kula Macaamilaan, Maadaama Shiinaha ay tahay Wadanka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Al Cadaala oo saaka markuu soo dhamaaday Shirka la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay la isku afgartay in la xoojiyo is dhaxgalka Bulshooyinka labada dhinac iyo sida loo wada shaqeyn karo gaar ahaan Wasaaraddaha iyo Haw’adaha dowliga ah ee qaabilsan xaga Warbaahinta, iyagoo fududeynaya sidii dhaqamada iyo wada shaqeynta Bulshooyinka Shiinaha iyo Afrika la iskugu xiri lahaa.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shirkan uu bilow u yahay qorshooyin xoog leh oo Afrika iyo Shiinaha dhex mari doono sanadka soo socda, kuwaasoo lagu fulin doono hanaanka dunida oo dhan ay Dowlada Shiinaha isugu xireyso oo Soomaaliya muhiim ay u tahay.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in Shirka intii uu socday ay soo bandhigeen Fursadaha Soomaaliya ka jira, Dadka Soomaaliyeed dhaqamadooda, waxyaabaha Dabiiciga ee Soomaaliya ilaah ku maneystay iyo Isbedelada ka socda dalka.

n1 n2 n3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment