2646 Views

Wafdi ka socda dawlada Soomaaliya oo socdaal shaqo ku maraya Gobolka Bakool

Wafdi ka socda dawlada Soomaaliya oo socdaal shaqo ku maraya Gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Xildhibaan Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah guddiga difaaca ee Golaha shacabka, guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida S/guutoLiibaan Cali yerow, guddoomiyaha Maxkamadda  derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidiamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxa uu aha sidii maxkamada Ciidamada qalabka sida Xafiis ay leedahay looga hir gelin lahaa Gobolkaasi iyo sida ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ula dhaqmi lahaayeen hadii ay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaadka Alshabaab iyo dadka Xiriirka la leh intaba.

Guddoomiyaha derajada koowaad ee maxkamadda Ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa kula dardaarmay Ciidanka in marka ay gacanta ku dhigaan qof  ka tirsan maleeshiyadka nabad diika Al shabaab ay gudbiyaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment