4845 Views

Sawiro:- Xogaga Shabaab oo soo bandhigay rag ajaanib ah

Sawiro:- Xogaga Shabaab oo soo bandhigay rag ajaanib ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ay ka duubeen Saddex nin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Shabaabka ay ku eedeeyeen inay yihiin jawaasiis.

Saddexdan nin ayaa waxa ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, balse waxaa lagu eedeeyay inay yihiin jawaasiis u shaqeysa Dowladda Kenya iyo Dowladaha kale ee Reer Galbeedka.

Nimanka Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/laahi Talaal Muuse oo 28 jir ah, Cabdi Casiis Mukayo Omambia iyo Hashim Cusmaan Shelali,

Al-Shabaab ayaa sheegay Saddexda nin oo ka tirsan Ajaanibta la joogta Ururka in lagu helay dhamaan dambiyadaasi, haddana ay gacanta ku hayaan iyaga, balse waxaanan laogeyn sida Shabaabka ay yeeli doonaan.

Ururka Al-shabaab ayaa horay waxa ay u dileen rag badan oo Ajaanib ah oo ay ku eedeeyeen inay yihiin jaajuusiin reer Galbeedka la shaqeeya.

z z2. z3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment