2793 Views

DEG-DEG:-Ciidamada Kenya Oo Iskaga Baxay Dagmo Ka Tirsan Gobalka Gado

DEG-DEG:-Ciidamada Kenya Oo Iskaga Baxay Dagmo Ka Tirsan Gobalka Gado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya ay saaka isaga baxeen degmadaas, oo labadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaayeen.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo xalay isu qaban qaabinayay ka bixitaanka saldhiga ay ku lahaayeen degmada, waxaana saaka inta aysan ka bixin la damiyay isgaarsiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay u baxeen dhanka wadada aada degmada Beledxaawo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay uga sii gudbi doonaan.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, lama oga sababaha ay xilligan uga baxeen Ciidamada Kenya.

Bartamihii sanadkii 2015 ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo ay wehliyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen degmada Baardheere oo muddo sanado ay ka talinayeen Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment